Connect with us

somalilandtoday.com

Wafti Uu Hoggaaminaayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Dalka Jabuuti Oo Maanta Imanaya Magaalada Hargeysa

focus

Wafti Uu Hoggaaminaayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Dalka Jabuuti Oo Maanta Imanaya Magaalada Hargeysa

(SLT-Hargeysa)-Magaalada Hargeysa waxaa maanta la filayaa in uu yimaado wafti uu hoggaaaminaayo wasiirka arrimaha gudaha dalka jabuuti Xassan Cumar Burhaan iyo saraakiil kale oo dhinaca ammaanka ah.

Illaa hadda ma cadda Ujeedada dhabta ah ee waftigan u imanaayo magaalada Hargeysa balse waxaa uu imaanshaha waftigani ku soo beegmayaa xilli ay taagan tahay xiisad adag oo u dhaxeysa Ganacsade Axmed Cismaan Geelle iyo Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaciil Cumar Geelle.

Sidoo kale warar ayaa waxa ay sheegayaan waftigan uu ka Hargeysa ku imanayo martiqaad rasmi ah oo uu ka helay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland oo dhawaan booqasho ku tagay dalka Jabuuti.

Dhan kale waxa jira digniino soo baxay oo la xidhiidha xiisadda Ganacsade Axmed Cismaan Geelle oo la sheegay in loo jaray waaran qabasho ah.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top