Connect with us

somalilandtoday.com

Wafti Culus Oo Ka Socda Midowga Yurub Iyo Dawladda Ingiriiska Oo Maanta Ku Soo Waajan Magaalada Hargeysa

focus

Wafti Culus Oo Ka Socda Midowga Yurub Iyo Dawladda Ingiriiska Oo Maanta Ku Soo Waajan Magaalada Hargeysa

(SLT-Hargeysa)-Waxaa maanta magaalada Hargeysa kusoo wajahan Wefdi ka socda Midowga Yurub iyo dowladda Ingiriiska.

Wafdigan lagu wado inay yimaadan caasimada Somaliland ee Hargeysa, ayaa u badan safiiro kasocda wadamadaas, iyaga oo aan weli wax-faahfaahin laga helin intay ka koobanyihiin wafdigan.

Ujeedada wefdigan ayaa ah sidii arrimaha doorashada Somaliland ugala hadli lahaayen xisbiyad iyo Xukuumad Somaliland, kuwaasi oo xoog ku saari doona sidii doorashooyinka deegaanka iyo baarlamaankuba ay wakhtigooga ku qabsoomi lahaayen.

Wararka aan helayno ayaa sidoo kale sheegaya in ujeedka Wafdigan aysan ka madhneyn arrimaha wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya.

Si kastaba, Wafdigan maanta iman doona Magaalada Hargeysa, ayaa kusoo beegmaya xili shalay uu xisbiga Waddani shaaciyey inay isku fahmi waayen arrimaha doorashooyinka xisbul xaakimka KULMIYE

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top