Connect with us

somalilandtoday.com

Mareykanka Oo Xayiray Diyaaradihii Dagaalka F35 Ee Turkiga Laga Iibin Lahaa

focus

Mareykanka Oo Xayiray Diyaaradihii Dagaalka F35 Ee Turkiga Laga Iibin Lahaa

(SLT-Ankara)-Saraakiisha Maraykanka oo la hadlay dhigooda dalka Turkiga waxay ku wargeliyeen inaan Shixnado kale oo dheeraad ah oo Diyaaradaha F35 loo soo diri doonin Turkiga.

Tallaabadan ayaa timid, kadib marki ay Dowladda Turkiga ku adkeysatay in aanay ka laaban doonin Gantaalladda S400 ee ay Raashiya ka iibsanayaan.

Madaxweyne Rajab Dayib Erdogan waxa uu si cad ugu gacan saydhay shuruudaha ay Maraykanka ku xidheen in laga iibiyo Diyaaradaha Dagaalka ee F35, kuwaasi oo aanu Raadaarku qaban karin.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Turkiga, Mevlut Kafasoglu ayaa la filayaa inuu Madaxda Maraykanka kala hadlo arrintaasi, kadib, marka uu toddobaadkan booqasho ku tago magaalada Washington, oo uu ka furmi doono Shirweynaha Wasiiradda Difaaca ee Dowladaha xubnaha ka ah Isbahaysiga Millateri ee NATO.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top