(SLT-Algeria)-Madaxweynaha waayeelka ah ee dalka Aljeeriya Cabdicasiis Bouteflika ayaa ku dhawaaqay inuu xilka ka degayo ka hor 28ka bishan April , sida ay baahisay Wakaalada wararka ee APS ee dalkaasi.
Qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweynaha waxaa lagu yidhi, in madaxweynuhu uu qaadi doono tallaabooyin lagu hubinayo in hay’adaha dowladu ay sii shaqayeen xiligi kala guurka.
Iscasilaada madaxweynaha ayaa imaanaysa ka dib markii Taliyaha millaeriga dalka Aljeeriya Gen.Ahmed Gaid Salah uu ku baaqay in Baarlamaanka wadankaasi ay xilka ka qaadaan Madaxweynaha oo uu sheegay aanu gudan karin shaqadiisa.
Tan iyo badhtamihii bishii Feberaayo shacabka Aljeeriay ayaa dhigayay mudaharaadyo lagaga soo horjeedo in Madaxweyne Bouteflika oo ah 82 sanno jir uu markii 5aad xilka u tartamo doorashadii la qorsheeyey inay dhacdo bisha soo socota ee April.