Connect with us

somalilandtoday.com

Wargeys Ka Soo Baxa Uganda Oo Daabacay Warbixin Uu Kaga Hadlayo Somaliland Oo Cilaaqaad Siyaasaddeed Iyo Ganacsi La Yeelanaysa Masar

focus

Wargeys Ka Soo Baxa Uganda Oo Daabacay Warbixin Uu Kaga Hadlayo Somaliland Oo Cilaaqaad Siyaasaddeed Iyo Ganacsi La Yeelanaysa Masar

(SLT-Hargeysa)-Wargeyska East African Business Week, oo ka soo baxa Uganda ayaa daabacay maanta warbixin uu kaga hadlay Jamhuuriyadda Somaliland oo cilaaqaad siyaasaddeed iyo Ganacsi la yeelanaysa Dalka Masar.

Wargeysku wuxuu sheegay in wefti uu hoggaaminayey Wasiir ku-xigeenkii hore ee Arrimaha Dibadda Md. Liibaan Yuusuf Cismaan oo imika loo magacaabay Wasiir Ku-xigeenka Horumarinta Caafimaadku uu booqasho ku tagay Masar oo ay ka wada hadleen sidii kor loogu qaadi lahaa iskaashiga labada dal.

Siday baahisay Wakaallada Wararka Somaliland (SOLNA) oo xiganaysa Majallada East African Business Week, Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Khaarajiga Md. Liibaan Yuusuf Cismaan ayaa sheegay in socdaalkiisa Masar uu la xidhiidho sidii loo taabogelin lahaa xidhiidhkii soo jireenka ahaa ee u dhexeeyey Somaliland iyo Masar.

“Waxaanu falanqeynay doorka Masar ku leedahay Geeska Afrika iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan waxbarashadda, caafimaadka, horumarinta dhaqaalaha iyo ammaanka,”ayuu yidhi Wasiir ku-xigeenkii hore ee Arrimaha Dibadda Liibaan Yuusuf Cismaan oo la kulmay Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha dibadda Masar Mr. Hamdi Sanad Loza iyo Xoghayaha Guud ee Wakaallada Horumarinta u qaabilsan Masar.

Waxa kaloo la sheegay in weftiga Somaliland muddadii ay ku sugnaayeen Qaahira ay la kulmeen Janaraalo ka tirsan wasaaradda Gaashaan-dhiga Masar.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top