Connect with us

somalilandtoday.com

Waddamo Ka Tirsan Yurub Oo Ogolaaday Dal Ku Galka Baasaboorka Dalkaasi Soomaliya.

advertise

Waddamo Ka Tirsan Yurub Oo Ogolaaday Dal Ku Galka Baasaboorka Dalkaasi Soomaliya.


(SLT-Bruseles) Laba ka mid ah wadamada Qaarada Yurub ayaa Sheegay inay aqbalayaan Dal ku galka qaybo kamid ah baasaboorka Dalkaaso Soomaaliya, kaas oo tan iyo wixii ka dambeeyey burburkii wixii la odhan jiray Jamhuuriyaddii Soomaaliya aan adduunka Gaar ahaan Yurub Si dhaba u aqoonsanayn.


Dalalka ku dhawaaqay inay aqoonsadeen Baasaboorka Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah Wadamada Belgium-ka iyo Luxembourg, kuwaas oo hadda kadib lagu tegi karo Baasaboorka Soomaaliya.

Arrintaan ayaa sida la sheegay waxaa siwadajir ah uga shaqeeyey Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.

Baasabarooda la Sheegay inay Labadaas Dal ogolaadeen Dal ku galkiisa ayaa waxay kala yihiin Baasaboorka Diplumaasiga iyo ka shaqaalaha. In kasta oo wararkani soo baxeen Xukuumadda Soomaaliyana shacisay hadana wali lama oga siday u hirgalidoonaan.. Maadaama oo nidaamka bixinta Baasaboorka Soomaliya aanu Wali ahayn mid hufnaan iyo daahfurnaan leh.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in advertise

To Top