Connect with us

somalilandtoday.com

Somalliland Xaaraan Bay ku Tahey In Ganacsade Loo Gudbiyo Jabuuti…W/Q Najiib Ismaaciil Maxamed

Articles

Somalliland Xaaraan Bay ku Tahey In Ganacsade Loo Gudbiyo Jabuuti…W/Q Najiib Ismaaciil Maxamed

Somalliland Xaaraan Bay ku Tahey In Ganacsade Loo Gudbiyo Jabuuti…W/Q Najiib Ismaaciil Maxamed Somalliland Xaaraan Bay ku Tahey In Ganacsade Loo Gudbiyo Jabuuti Oo Awood iyo Awood Loo Adeegsado Taasi Waxey dhaceysaa Marka laba Madaxweyne Talinayaan
Xogtu Wey soo Korodhey, Tan iyo Intii ay Dibadda usoo Baxday in Xukuumadani Ku dhaqaaqdey Talaabo ay Ku Damacsan Tahey in Dalka Jabuuti loo gacan galiyo Ganacsade Axmed Geele kadib Markii ee sitoos ah loo arkey Waraaqaha laga soo Sexeexay, Wasaaradaha Cadaalada,Arimaha Dibadda,iyo Xeer Ilaalinta Waa Fadeexadii u Weyneyd ee Nooceeda ah oo dhacda Tan iyo intii Somaliland jirtey, Waxaaney arintani Ceeb ku tahey jiritaanka Qaranimada Somaliland Sharafta iyo Karaamada Shacabka intaba.


Haddaba Waxaa hadda soo baxaya Sirta ku duugan Fashilaada ku Timid Mu.amaraadkan oo lasoo Maleegay Markii Wasiirka Arimaha Dibadda Somaliland Maxamed Kaahin uu Dhawaan Tagey Dalka Jabuuti, taas oo uu Heshiis Lasoo galey Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele in ay ka Xukuumad ahaan Gacanta u galiyaan Dawllada Jabuuti iyadoo la adeegsanayo Awooda Dawllada Waana Sababta Wasaraadaha Kala Duwan looga Saxeexay Waraaqaha aynu aragney iyadoo ay Ku Lifaaqan Tahey Waraaqdii Nuxur Qoraalka Maxkamada Jabuuti Waxa la.Xaqiijinayaa in Wasiirkii Xilka.laga Qaadey ee Gaashaandhiga Sababta dhabta ah ee Xilka.Looga Qaadey tahey Talaabadan iyo Dareenka uu Ka Bixiyay Markii ay Dalkaasi Jabuuti Wada Tageen Wasiirka Arimaha Gudaha ahna Raysalwasaaraha iyo haystaha Awoodii Madaxweyne Kuxigeenka isagoo Wasiirku kaga Dareen Celiyay.ka Dawlad ahaan in aaney Suurtagal aheyn in Ganacsade Somaliland Kasoo jeeda Loo Gudbiyo Dalka.Jabuuti Si loo Maxkamadeeyo.
Sikastaba ha ahaatee, Waxeynu la yaabaneyn Xukuumadii Madaxweyne Siilaanyo ee Dalkaasi Jabuuti u gudbisey Muwaadin Miskiin ah oo kasoo Jeeda Somaliland kaas oo lagu Eedeeyay ama Dawllada Jabuuti ku Eedaynayso in ay ku haysato lacag ay ka Sarifteen Dad Jabuuti Qarax ka fuliyey taasaaba Dad Badani u arkayeen in ay aheyd Talaabo Qadaf iyo Xadgudub ku ah Jiritaanka iyo Dawlladnimada Somaliland Sheeganayso Laakiin hadda Waxey u Muuqataa hadey sii Go,dey Marba haddii Ragii Ganacsatada ahaa Sidaa loogu Badheedhayo, Waxaana Fajac iyo af kala Qaad ah oo Ceeb ah in Madaxweynaha Dalka haystaa la Shir yimaado anigu Ma oggi Miyaanay Noqonayn in uu Markii horeba Yidhi Maxamed Kaahin Wasiirka Arimaha Gudaha ayaa Hawshaa Fulin.karayee isaga kasoo dhaadhiciya Waa Ninka labaad ee Dalka ila Maamulee Looma aabo Yeelin Qaranimadii looma aabo Yeelin Sumacad Xumada ay arintani ku Keenayso Xukuumada maadaama oo.Markii horeba lala Yaabanaa intaas oo arimood oo Dhamaantoodba Fashilaad ah, Waxey amuurtani isugu Soo Biyo Shubmaysaa Qormadii aan hore u Sheegay ee aheyd Madaxweyne Biixi iyo Wasiirkisa Arimaha Guduhu halka ay Taabtaanba Wey Soo Go,aysaa ma arintii Sool iyo Colaadii ayaynu Ogayn Ma Ceelafweyn ayaynu ogayn ma isku badelkan Golaha Xukuumada iyo Wasiirada la eryay ayaynu ogayn ma Boqol arimood ayaynu ogayn Tolow halkay una Gaadhsiin Gaadhigii Taayiraa Ka Qarxay Durba Sanad iyo Maalmaha ay Talada hayeen.

Najiib Ismaaciil MaxamedSomaliland Gabiley0634466339

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top