Sida ay sheegtay Dr Sheila Poddar oo ah madaxa qeybta cudurada haweenka ee isbitaalka Ad-Din, gabadha la yiraahdo Arifa Sultana ayaa si caadi ah wiil ku umushay bishii February isbitaalka Ad-Din ee magaalada Dhaka.
Hase yeeshee Sultana ayaa afar toddobaad kadib ku soo laabatay isbitaalka iyadoo ka sheeganaysa calool xanuun.
Balse markii ay dhakhaatiir baaritaan ku sameeyeen iyadoo lagu baaray computer ayaa la ogaaday in ay leedahay uur kale.
Dhakhaatiirta oo aad u la yaabay dhacdadan ayaa qalliin ku sameeyay gabadhan, waxayna ka soo saareen caloosheeda labo carruur ah oo wiil iyo gabar ah, kuwaasoo caafimaad qaba.
Waxaa la ogaaday in haweeneydan ay leedahay labo ilmogaleen oo wiilka hore uu ku jirey ilmo galeen gaar ah halka mataanahana ay ku jireen ilmo galeen kale.
Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in hooyada umushay saddexdan carruurta ah iyo ilmaheedaba ay caafimaad qabaan.