Connect with us

somalilandtoday.com

Ganacsade Lacag Badan Kala Baxayey Dalka Algeria Oo Lagu Qabtay Xadka Tunisia

focus

Ganacsade Lacag Badan Kala Baxayey Dalka Algeria Oo Lagu Qabtay Xadka Tunisia

(SLT-Algeria)-Nin ganacsade ah oo magac ku leh dalka Algeria ayaa isaga oo doonaya inuu ka tallaabo xadka dalkaasi la leeyahay Tunisia la qabtay, sidaana waxa tebisay warbaahinta maxalliga ah.

Cali Xaddaad waxa uu ka mid yahay ragga ugu hodansan dalka isla markaana muddo dheer taageerayey Madaxweyne Cabdelcasiis Bouteflika, oo haatan cadaadis weyn lagu saarayo in uu xilka ka dego.

Dadka mudaharaadaya ayaa waxay dalbanayeen in Bouteflika uu xilka ka dego.

Salaasadii ayaa taliyaha milatariga ee awoodda badan, Jeneraal Axmed Qaa’id Salaax, waxa uu ku tirtirsiyey madaxweynaha bukaanka ah inuu is casilo.

Warbaahinta Algeria waxay sheegtay in Xaddaad oo 54 jir ah, isla markaana haysta baasaboor Ingiriis ahi uu sitay lacag badan markii la qabtay isaga oo doonaya inuu soohdinta kaga tallaabo baabuur, aroornimadii hore ee maalintii Axaddii.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top