Connect with us

somalilandtoday.com

Dalka Koonfur Afrika Oo Lagu Gumaadayo Shacabka Afrika U Dhashay Iyo Xaalad Deg Deg Ah Oo Dalkaas Lagu Soo Rogay .

focus

Dalka Koonfur Afrika Oo Lagu Gumaadayo Shacabka Afrika U Dhashay Iyo Xaalad Deg Deg Ah Oo Dalkaas Lagu Soo Rogay .


(SLT-South Africa )Wasiirka xiriirka caalamiga ah ee Koonfur Afrika Lindiwe Sisulu ayaa la kulmaysa safiirrada dalal Afrikaan ah si ay oogala xaajooto weerarradii badnaa ee dhawaan lagu beegsaday dadka ajaaniibta ah ee Durban ku nool.

Waddahadalladan ayaa imaanaya ka dib markii tiro dad ah oo reer Malawi u badan qasab looga saaray guryahooda, dad isa soo arruursaday oo ficilkaas ku kacay ayaa sidoo kale bililiqaystay dukaammo.

Shaqo la’aanta dalka Koonfur Afrika ayaa ka sare martay 27% dad badan ayaana caradii kula dul dhacay shaqaalaha ajaaniibta ah, iyaga oo ku eedeeyay in shaqooyinkoodii qaateen.

Arrintan ayaa mawduuc wayn ah iyadoo bisha May ay dhacayso doorasho.

Xisbiga mucaaradka ah ee Democratic Alliance ayaa xisbiga talada haya ee ANC ku eedeeyay in siyaasaddiisu ay guuldarraysatay, waxayna ku eedeeyeen in uu jiro musuqmaasuq, habacsanaan dhanka xadka ah iyo dad badan oo ajaaniib ah oon sharci haysan.

Wasiirka maaliyadda ayaa dhawaan sheegay in dalku uu u baahan yahay in uu soo jiito dadka xirfadaha sare leh, wuxuuna sheegay in dadka waddaniyadda ku kalax tagay ay carqalad ku yihiin dhaqaalaha.

Balse loo baahan yahay in shaqo abuur badan la sameeyo si loo dhimo isir nacaybka.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top