Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweyne Ku-xigeenka Afghanistan Oo Ka Badbaaday Iskuday Dil

focus

Madaxweyne Ku-xigeenka Afghanistan Oo Ka Badbaaday Iskuday Dil

(SLT-Afghanistan)-Madaxweyne ku xigeenka Afghanistan Abdul Rashid Dostum ayaa ka badbaaday weerar ka dhacay Waqooyiga dalkaas oo lagu dilay mid kamid ah ilaaladiisa.

Saraakiisha dalkaas ayaa sheegaya in weerar gaadmo ah lagu qaaday kolonyo uu la socday Gen Dostum oo maraysay gobolka Balkh.

Ururka Talibaan ayaa sheegay in ay qaadeen weerarkaas oo socday hal saac, ayna ku dhaawacmeen labo kale oo kamid ah ilaaladiisa.

Waa iskudaygii labaad ee lagu doonayo in lagu khaarajiyo Gen Dostum tan iyo markii ninkan kasoo jeeda Qawmiyadda Uzbek ahaana qab qable dagaal uu kasoo noqday musaafuris uu dibadda ugu maqnaa.

Bishii July ayay ahayd markii 14 qof lagu dilay weerar ismiidaamin ahaa oo ka dhacay garoonka diyaaradaha ee Kabul wax yar uun kadib markii uu dalka dib ugusoo laabtay. Waxaana weerarkaas sheegtay kooxda la baxday Dawladda islaamka.

Gen Dostum ayaa kusoo biiray dawladda midnimada qaranka ee Afghanistan sanadku markuu ahaa 2014, waana siyaasi muran badan dhaliya.

Wuxuu kamid ahaa raggii 2001-dii Maraykanka gacanta kusiiyey in uu Taliban xukunka ka tuuro waxaase lagu eedeeyey in uu falal waxashnimo ah ka gaystay dalkaas intii uu socday dagaalka sokeeye.

Muddo sanad ka badan ayuu ku maqnaa Turkiga, kadib markii lagu eedeeyey in uu ciidamadiisa ku amray in ay afduubtaan oo ay fara xumeeyaan nin uu loollan xagga siyaasadda ah ka dhexeeyey.

Waxa uu beeniyey eedaymahaas waxa uuna ku adkaystay in socdaalkii uu Turkiga ku tagay uu ahaa mid caafimaad.

Soo laabashada Gen Dostum ayaa waxaa ka horreeyey qalalaaso ka dhacay gobolka uu kasoo jeedo, ayagoo taageeroyaashiisu ay dalbanayeen in uu soo laabto.

Dadka wax falanqeeya ayaa sheegaya in madaxweyne Ashraf Ghani uu oggolaaday soo laabashadiisa si uu taageero uga helo qawmiyadda Uzbek kahor inta aanay dhicin doorashada madaxtinimo ee dhacaysa 28-ka September.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top