Connect with us

somalilandtoday.com

Dad Shacab Ah Oo Lagu Dilay Duqeyn Ka Dhacday Yemen

focus

Dad Shacab Ah Oo Lagu Dilay Duqeyn Ka Dhacday Yemen

(SLT-Yemen)-Ugu yaraan 2 qof ayaa geeriyootay, 5 kalena wey dhaawacmeen, kadib markii ay Diyaaradaha Isbahaysiga Sacuudiga duqeyn ka geysteen Gobalka Xajah ee W/galbeed ee dalkaasi.

Sarkaal ka tirsan Golaha Deegaanka ayaa sheegay in duqeyntaasi lala beegsaday guri ku yaalla xaafadda Dhahar Bani Xsaan ee Degmadda Abis, isla markaana lagu dilay 2 nin, laguna dhaawacay 5 kale oo ay ku jireen carruur iyo haween.

Dadka ay waxyeelladdu soo gaartay ayaa la sheegay inay isku qoys ahaayeen.

Isbahaysiga Sacuudiga weli kama ayna hadlin duqeyntaasi oo ah tii 2-aad ee toddobaadkan gudihiisa lagu dilay dad rayid ah.

Dagaalladda ka socda dalka Yemen waxay galeen sannadkoodii 5-aad, iyadoo lagu ilay tobanaan kun oo qof, halka 3 million oo kalena ku barakaceen.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top