Connect with us

somalilandtoday.com

Sheekaddii Geelayagga…W/Q Axmed Nuur Guruje

Articles

Sheekaddii Geelayagga…W/Q Axmed Nuur Guruje

Sheekaddii Geelayagga…W/Q Axmed Nuur Guruje 

Noloshii baadiyaha ee u muuqata inn ay hadda sii dhamaanaysaa waxay ahayd nolol han iyo hal-abuur leh , dadkuna noloshiisa si wanaagsan uga wada hadlo hadba wixii lasii gudboonaada .

Hawl maalmeedka laf-dhabarta u ahaa nolosha waagaas ee xoolo dhaqatadana waxaa laggu dhex wadi jirey kaftan iyo xifaale hadba marka dhacdi timaadaba la is waydaarsado .

Hadaba dulucda sheekadan aynu u gonda degnee ,badhtamihii qarnigii horre ama 50 kii , ayaa sidda sheekadani inagu soo gaadhey xili Jiilaala geelal xaafaddu lahayd lagga soo aruuriyey dhulka Hawdka loo yaqaano ee Daroor kor kagga beegan , waxaana loo soo arooriyey Dooxyadda Debis oo waagaas lagga cabi jirey.

Markii Geelashi cabeen ayaa meel dhexe , labba qaalmood geelashii kaga lumeen , ka dibna hadii la doon doonay waa la waayay , geelashii ay ka lumeena lama joojine waxay ku fuleen meeshii ay kasoo arooreen .

Dabeeto nin gabyaa ahaa oo arrintaa ka faaidaystay , ayaa isagoo nimanka waagaas geelasha waday , isagoo dacaayadaynaya wuxuu yidhi :-

Ninkii dhaqasho geel doonayaa , wuu dhix dhixiyaaye ,

Dhubato iyo tuurtiyo ilaa dhinacyadii tuurta ,

dharaar bay intaa wada marsheen sidda dhanbaalkiiye ,

dhangaday ku feedheen , sidii maal lasoo dhacaye ,

Dhabay kagga tageen qaalmihii dhogorta xiisnaaye ,

Dhulka waxaa u caanoo u maray raabsi baa dhibaye ,

Dadka lagga dhacyaa iyo isagga dhawr ka qala aaba ,

Dharartaan hilib geel la cunin waa dhoma’ayaane ,

Jeeroo col dhaamaa u kaco dhaayin celinteedda ,

Dhoobada tubnaa iyo hablaha badi ka dhiibnaaba ,

waa u dhaxal la’aan Cali ninkii dhaqo yidhaa geele .

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in Articles

To Top