Connect with us

somalilandtoday.com

Nin Soomaali Ah Oo Ku Eedeysan In Uu Xaaskiisa Ku Dilay Dalka Mareykanka Oo La Qabtay

focus

Nin Soomaali Ah Oo Ku Eedeysan In Uu Xaaskiisa Ku Dilay Dalka Mareykanka Oo La Qabtay

(SLT-City Heights)-Nin Soomaali ah oo lagu tuhunsan yahay in uu xaaskiisa ku dilay magaalada City Heights ee dalka Mareykanka horaantii bishan ayaa ciidanka Mareykanka ay kasoo qabteen dalka Panama sidda ay sheegeen ciidamada Booliska Magaalada San Diego.

Eedeysanahan ayaa la leeyahay waxaa uu xaaskiisa ku dhax dilay guri ay ka deganaayeen Mareykanka ka dibna waxaa la sheegay in uu u baxsaday dalka Panama si aan loo soo qaban.

Abdiaziz Kerow oo 45 sano jir ah, ayaa lagu eedeeyay dhimashada haweeney 36-sano jir aheyd oo lagu magacaabo Muna Salad Kuri oo aheyd Xaaskiisa.

Kerow ayaa marka uu xaaskiisa dilay ku qariyay meel ka mid ah guriga taasoo dadka ku adkaatay in meelmo badan la ogaado geerideeda.

Ehelada gabadha la dilay ayaa sheegay in ay ku faraxsan yihiin Soo qabashadda ninkaan, islamakaana ay rajo ka qabaan in uu wajaho xukun adag.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top