Connect with us

somalilandtoday.com

“Labada Wasiir Hadday Ku Cadaato Waa La Sii Daynayaa”. Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Somaliland Oo Sheegay In Musuq Maasuqu Wax Iska Caadiya Ka Noqday Dalka

focus

“Labada Wasiir Hadday Ku Cadaato Waa La Sii Daynayaa”. Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Somaliland Oo Sheegay In Musuq Maasuqu Wax Iska Caadiya Ka Noqday Dalka

(SLT-Hargaysa)Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Siciid Gaane), ayaa dhaliilo culus oo u soo jeediyey Xukuumadda Muuse Biixi, waxaanu tilmaamay in musuq-maasuqu caadi ka noqday dalka.

Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Siciid Gaane), oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay”Sharcigu wuxuu dhigayaa qofka musuq-maasuq lagu soo eeddeeyo in aanu lahayn wax damaanad ah, laakiin hore ayaaba loo sii daayey kuwiii Hanti-dhawruhu ku soo xidhay foojaradii liisamada lafta ah,oo waliba lagu helayo musuqa, Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaana Saldhigyada ka sii daayey, oo damanaad ahaan Maxkamadaha kaga sii daayey,mar haddii dad iyagoo dambigii lagu caddeeyey oo Hanti-dhawruhu soo xidhay la sii daayey, oo damanaad aanu sharcigu ogolayn lagu sii daayey, eeddaha musuq-maasuq ee labada Wasiir lagu soo oogay haddii ay dhab noqoto, haddii xitta la xidho waa la iska sii daynayaa,mar haddii ilaa hadda cid loo xidhay musuq-maasuq, oo xukun musuq-maasuq lagu qaaday aanay jirin, oo kuwii loo xidhay ee lagu caddeeyey la sii daayey, waxay taasi ka dhigan tahay in musuq-maasuq noqday wax iska caadiya oo Xukuumaddu aanay dambi culusba u arag, walina lama arag Xukuumad ka tirsan Caalamka oo Musuq-maasuqa dalkeeda loo xalaalayey, haddii musuq-maasuqa la xalaaleeyo waa boobku ha socdo, sharciguna yaanu socon, laakiin cid kasta oo hantida umadda musuq-maasuqada wasiir ha noqdo ama masuul kale ha noqdee waxay ahayd in si adag loola dhaqmo, oo sharcigu wuxuu dhigayo in lagu qaado, si cid kastaaba ay uga feejignaado musuqa, laakiin haddii talaabo laga qaadi waayo, cid kastaaba wey ku dhiiranaysaa musuq-maasuqa iyo boobka hantida umadda”.

Xildhibaan Siciid Gaane mar uu ka hadlaayey abaaraha ayaa yidhi””Dadkan ILLAAHAY baa u maqan, ee Xukuumad gurmad u jeeda maaha,ee waxaan odhan lahaa oo qudha dadkani Somaliland ee masaakiinta ah ee danyarta ah haddii aydaan waxba u qabanayninsiigada iyo socodka badan ka daaya, maxaa yeelay dad masaakiin ah, aabayaal iyo hooyooyin masaakiin ah oo danyar ah, uma baahna in laga dul ciyaaro, uma baahna in been loo sheego, ee ILLAAHAY bay leeyihiin, ee beenta ka daaya, oo haddii aad daacad ka tihiin wax u qabta”.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top