Connect with us

somalilandtoday.com

“Laga Soo Bilaabo Sabtigii Inna Dhaaftay Illaa Iyo Maanta 13 Qarax Ayaa Dhacay…” Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur

focus

“Laga Soo Bilaabo Sabtigii Inna Dhaaftay Illaa Iyo Maanta 13 Qarax Ayaa Dhacay…” Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur

(SLT-Muqdisho)-Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa waxa ka hadlay qarax maanta ka dhacay magaalada Muqdisho oo dad badan ku dhinteen, waxaanu dawladda Farmaajo ku dhaliilay qaraxyadda ku soo badan maalmihii u dambeeyay.


Qoraal uu arrintan kaga hadlay Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa u dhigan sidan:-

Allaha u naxariisto dhowr iyo tobankii qof ee qaraxii maanta lagu dilay, inta dhaawaca ahna Allaha caafiyo. Laga soo bilaabo Sabtigii inna dhaafay ilaa iyo maanta 13 Qarax ayaa dhacay. Qaraxyadu iyo weerarada kama dhacaan Jidka Warshadaha, Sodonka iyo Wadnaha. Waxay ka dhacaan xarumaha dawlada iyo wadada Makka Al Mukaramah oo ay dawladu gacanta ku hayso, iyadoo ay meel waliba xiran tahay.

Shabaab in ay cadow yihiin la iskuma hayo, mana laha hawl aan ahayn gumaadka shacabka iyo burburinta hantidiisa. Su’aashuse waxay tahay hadii la yiraahdo halala diriro, yaa dagaalka hogaaminaya, hadii la yiraahdo dagaalkooda ha loo midoobo, yaa dadka midaynaya. Hadii la yiraahdo dadka ha is difaacaan, deegaanadii iskood isku xilqaamay ayaa garab ka waayey dawlada oo dadkii ay halkaa ku laayeen.

Hadii Hay’adii Nabadsugida aysan bilo badan taliye lahayn, ninka xilka ku magacaabana uusan khibrad u lahayn hawlaha amniga ee nin jeclaysi loogu dhiibay, uuna loolan iyo xasarad kicin siyaasadeed ku hawlan yahay. Hadii taliyahii Booliska uu magac yahay lagana awood badnaysiiyey nin dhalinyaro ah oo la sheegay in uu taliye ka yahay booliska Gobolka Banadir, kaasoo weligiis Boolis noqon, kuna hawlan dil qorshaysan iyo duulaan siyaasi.

Mushaar la’aan iyo ku takrifal awoodeed darteed, hadii moraalka ciidanka iyo saraakiisha hay’adaha nabadgelyada uu aad u hoseeyo. Hadii shacabkii aysan kalsooni ku qabin soo gudbinta xogta la xariirta argagexisada, iyagoo ka baqaya in la ogaado, lagana aarguto, maadaama ay argagaxesidu dad ku dhex leedahay ciidanka. Hadii uu lumay xiriirkii wada shaqayn ee hay’adaha amniga dalkeena iyo kuwii ajnabiga ahaa ee gacanta siin jiray, ka dib markii shaki iyo xiriir xumi wada shaqayn ah timid.

Su’aasha waxay tahay maxay is dooroyaan argagexisada iyo kuwa shacabka u hoosaasinaya.

Waxaan ugu baaqayaa Madaxweynaha in uu masuuliyadiisa qaato, xaqiiqada iyo waaqaca horyaala uu run iyo go’aan geesinimo leh ku wajaho. Is moogaysiis, dafiraada, kooxaysi iyo nin jeclaysiga meel iska dhigo. Hadii kale intii aad cadawga u hoosaasin lahayd, ummada xilka iyo amaanada u soo celi.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top