Connect with us

somalilandtoday.com

Axmed Shide Oo Lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Jigjiga

focus

Axmed Shide Oo Lagu Soo Dhaweeyay Magaalada Jigjiga

(SLT-Jigjiga)-Waxaa galabta garoonka Diyaaradaha ee Garaad Wiil waal lagu soo dhaweeyay Guddoomiyaha Xisbiga Dimuqraadiga Shacabka Soomaalida Itoobiya Axmed Shide Maxamed, gudoomiyaha ayaa waxaa soo dhawayntiisa ka qayb-galay madaxda degaanka u sarraysa oo uu ugu horeeyo Madaxwayne Mustafe Cagjar.

Intaa kaddib Guddoomiye Axmed shide ayaa qolka nasashada Warbaahinta dalka iyo tan degaanka kula hadlay isagoo sheegay inuu meel wanaagsan marayo diyaargarawgii shirwaynihii 10aad ee Xisbiga oo la qaban doono maalinta Isniinta ee fooda inagu haysa oo ay taariikhdu ku beegan tahay 1 April 2019. sidoo kale la qaban doono shir ka horeeya kaas oo loogu sii gogol xaadhayo shirwaynaha Xisbiga oo isna sabtida la qabanayo.
Imaatinka Guddoomiyaha XDSHSI ayaa ku soo hagaagaya xilli deegaanka looga diyaargaroobayo qabashada shirwaynaha Xisbiga, isla markaana lafilayo inuu qabsoomo xilligii loogu talagalay.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top