Connect with us

somalilandtoday.com

Golaha Ammaanka Ee Qaramada Midoobey Oo Kulan Gaar Ah Ka Yeeshay Xaaladda Amni Ee Soomaaliya

focus

Golaha Ammaanka Ee Qaramada Midoobey Oo Kulan Gaar Ah Ka Yeeshay Xaaladda Amni Ee Soomaaliya

(SLT-New York)-Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa Arbacadii shalay kulan gaar ah ka yeeshay Xaaladda Amni, Siyaasad iyo Dhaqaale ee Soomaaliya.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa kulankooda kaga hadlay doorashooyinka la filayo inay Soomaaliya ka dhacaan 2021, waxaana Xukuumadda, Baarlamaanka iyo maamul goboleedyada ka codsadeen inay dedejiyaan Xeerka doorashooyinka oo ay ugu dambeyn soo gudbiyaan bartamaha sannadkan 2019.

Golaha Ammaanka ayaa isku raacay in muddo kordhin sannad ah loo sameeyo Xafiiska Qaramada Midoobey ee UNSOM, iyagoo isla meel dhigay inuu sii shaqeeyo ilaa 31-da March sannadkan soo socda ee 2020.

Sidoo kale Golaha Ammaanka ayaa ka codsaday dalalka Caalamka in Ciidamada Soomaalida iyo AMISOM la siiyo wax kasta oo u suura gelin kara inay ka adkaadaan Kooxaha argagixisada ah ee caqbaada koowaad ku ah Soomaaliya.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top