Connect with us

somalilandtoday.com

Wefti Ka Socda Somaliland Oo Bookhasho Rasmi Ah Ku Tagay Dalka Masar Iyo Ujeedadka Safarkooda

focus

Wefti Ka Socda Somaliland Oo Bookhasho Rasmi Ah Ku Tagay Dalka Masar Iyo Ujeedadka Safarkooda

(SLT-Hargeysa)-Wefti ka socda wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa bookhasho rasmi ah oo saddex maalmood ah ku tagay dalka Masar. Ujeedka bookhashada ayaa lagu sheegay in ay la xidhiidho xidhiidhka Masar iyo Somaliland.

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Somaliland Mudane Liibaan Yuusuf ayaa u mahadceliyay dawladda Masar “Waxaanu si aad ah ugu mahadcelinayna dawladda iyo dadka Masar sida diirran ee ay noo soo dhaweeyeen,” Ayuu yidhi Mudane Liibaan oo qoraal socdaalkan ku saabsan ku baahiyay boggiisa Twitter-ka.

Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in uu kulan la qaatay wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Masar ee arrimaha Afrika qaabilsan, kaaliyaha wasaaradda arrimaha dibadda ee amuuraha Afrika iyo masuul sare oo ka tirsan wasaaradda difaaca.

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Somaliland ayaa intaas ku daray in ujeedka socdaalkoodu yahay dardar gelinta xidhiidhka Somaliland iyo Masar ee dhinacyada iskaashiga: Waxbarashada, caafimaadka, ganacsiga iyo ammaanka. sidoo kalena ay si weyn u falanqeeyeen doorka dawladda Masar ka ciyaarayso Geeska Afrika.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top