Connect with us

somalilandtoday.com

Shirkad Maraykan Ah Oo Maandooriyaha Xashiishka Ku Beereysa Dalka Kenya

focus

Shirkad Maraykan Ah Oo Maandooriyaha Xashiishka Ku Beereysa Dalka Kenya

(SLT-Nairobi)-Shirkad fadhigeedu yahay magaalada New York ee dalka Maraykanka ayaa ka heshay ruqsad ay ku beeri karto dhul gaadhaya 500 Hekter oo ku yaalla dalka Kenya maandooriyaha Xashiishada.

Madaxda Shirkada GoIP Global Inc, oo ka diiwaangashan suuqa loo yaqaan OTC ee magaalada New York ayaa waxa ay ku wargeliyeen saamileyda shirkada in ay heleen oggolaanshaha ama ruqsad ay xashiishada ugu beeri karaan dalka Kenya.

“Kadib markii aan booqanay Kenya oo aan la kulanay madaxda dalkaas,waxaan ku faraxsanahay faa’idada ay arrintan u keeni karto shirkada.maadaama aan ku beeri karno xashiishada dhul ballaaran”ayuu yidhi madaxa shirkadan Ike Sutton horaantii bishan.

Sida lagu daabacay wargeyska Daily Nation xilliga heshiiska ayaa ah muddo 25 sano ah iyadoo maandooriyaha xashiishadana sanadka oo dhan uu ka bixi karo dalka Kenya.

Hase yeeshee, dowlada kenya ayaa beenisay inay bixisay ruqsadaas, waxayna ka digtey in maandooriyaha xashiishada uu kamid yahay waxyaabaha ka mamnuuca ah in dalkeeda lagu beero.

Balse war ay soo saartay shirkadan ayaa lagu sheegay in si kumeelgaar ah loo siiyay fasax ayna ka heshay Wasaarada beeraha dalka Kenya.

Si kasta ha ahaaatee Shirkada ka dhisan dalka Maraykanka ayaa dooneysa in xashiishka ay ku beerto dalka Kenya ay u iibgeyso wadamada Canada iyo Maraykanka oo inta badan uu fasax ka yahay isitcmaalka maandooriyaha xashiishada iyadoo daawo iyo raaxeysiba loo isticmaalo.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top