Connect with us

somalilandtoday.com

Wararkii Ugu Dambeeyay Dhul-Gariir Xalay Ka Dhacay Kenya

focus

Wararkii Ugu Dambeeyay Dhul-Gariir Xalay Ka Dhacay Kenya

(SLT-Nairobi)-Wararka ka imanaya dalka Kenya ayaa sheegaya in xalay fiidkii laga dareemay qaar kamid ah magaalooyinka dalka Kenya oo ay ku jirto caasimada Nairobi dhul-gariir.


Deegaanada kale ee laga dareemay dhul-gariirkan oo ahaa mid aan xoog badneyn ayaa waxaa ka mid ah Nyeri, Mombasa, Machakos, Makueni iyo Kiambu.

Dhul-gariirka ayaa la dareemay qiyaastii toddobadii fiidnimo ee xalay isagoo ilbidhiqsiyo uun socday balse waxaan laga dareemin degmooyin ka mid ah magaalada Nairobi.

Sida laga soo xigtey hay’ada xisaabta culeyska dhulgariirada ayaa ku sheegtay inuu dhul gariirku gaadhayay 4.8.

Sidoo kale dhul gariir laga dareemay dalka Spain isla xilligii uu ku dhuftay dalka Kenya.
Dalxiisayaal ku sugan magaalooyinka xeebaha dalka Kenya sida Mombasa, Kilifi, Malindi, Lamu iyo Diani ayaa loo sheegay inay tagaan meelaha taaga ah.

Illaa iyo hadda ma jiro wax Khasaare ah oo ka dhashay dhulgariirka caawa laga dareemay magaalooyin ka mid ah dalka Kenya.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top