Connect with us

somalilandtoday.com

Maxaabiis Falastiini Ah Oo Tooreey Ku Dhaawacday Ilaaladda Xabsi Ku Yaalla Israa’iil

focus

Maxaabiis Falastiini Ah Oo Tooreey Ku Dhaawacday Ilaaladda Xabsi Ku Yaalla Israa’iil

(SLT-Israa’iil)-Afhayeen u hadlay Hay’adda Adeegga Xabsiyadda ee Israa’iil ayaa xaqiijiyey in 2 ka mid ah Ilaaladda Xabsiyadda lagu dhawaacay weerar ay getsyeen Maxaabiis ka tirsan Dhaqdhaqaaqa Ilaamiga XAMAAS ee Reer Falastiin.

Weerarkaasi ayaa la shegay inuu ka dhacay Xabsiga Ketziyot oo ku yaalla Koonfurta Israel, iyadoo ugu yaraan 2 Askarta Ilaaladda la dhaawacay, una baahan yihiin Daryeel Caafimaad.

11 Maxbuus ayaa iyagana la dhaawacay, inkastoo aan la sheegin qaabkii ay u dhaawacmeen iyo in rasaas lagu furay, markii ay Tooreyda ku dhaawceen Ilaaladda Xabsiga.

Toddobaadkii hore, Maxaabiista XAMAAS ee ku xiran Xabsiyadda isreal waxay dhigeen Dibadbax, iyagoo dab qabadsiiyey qaar ka mid ah Joodarayaashii yaallay Xabsiga, kadib, markii ay Maamulka Xabsiyadda mamnuuceen inay Maxaabiista isticmaalaan Telefoonadda Mobayladda.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top