Connect with us

somalilandtoday.com

“Kolay Mid Yaroo Dhex Mare Ah Ayaa Qandaraas Lagu Siiyay” Abwaan Weedhsame Oo Si Adag Uga Hadlay Sidii Shalay Loo Bahdilay Astaantii QARANKA Somaliland

focus

“Kolay Mid Yaroo Dhex Mare Ah Ayaa Qandaraas Lagu Siiyay” Abwaan Weedhsame Oo Si Adag Uga Hadlay Sidii Shalay Loo Bahdilay Astaantii QARANKA Somaliland

(SLT-Hargeysa)-Dad badan ayaa si adag uga falceliyay farshaxan xumo iyo dhalan gadi foolxun oo lagu sameeyay Astaantii Guud ee Qaranka Somaliland taasi oo lagu dhejiyay Miiskii Hoolka Golaha Guurtida ee uu Shalay Madaxweyne Muuse Khudbad Sannadeedka uga jeediyay labada Golle Baarlamaan.

Waxay shalay si cadho leh baraha Bulshada aad loogu falanqeeyay Arintaasi kadib markii sawirada qaabka loo bahdilay lagu soo daadiyay Baraha Xidhiidhka Bulshada.

Abwaanka Caanka ah ee reer Somaliland ee Xasan Daahir Weedhsame oo bartiisa Facebookga soo dhigay Sawirradda bahdilka lagu sameeyay Astaanta qaranka ayaa waxa uu soo raaciyay Qoraalkan “Miiskaa googoradda lagu sawiray haddaan sii baadho, waxaan ogaan doonaa inuu mid yar oo dhex-marayaasha amran ka mid ahi qandaraas ku qaatay. Waar nala saa’ira oo bal in yar uun na ixtiraama aan idiin ducaynee”.

Dad badan oo kale ayaa ka falceliyay arintan.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top