Connect with us

somalilandtoday.com

Kiisas Cusub Oo Cudurka Ebola Oo Laga Helay Jamhuuriyadda Dimuquraadiga Ee Congo

focus

Kiisas Cusub Oo Cudurka Ebola Oo Laga Helay Jamhuuriyadda Dimuquraadiga Ee Congo

(SLT-Congo)-Koox caalami ah oo gargaarka ka shaqeysa ayaa sheegtay in 58 kiis o cusub oo cudurka ebolaha ah laga helay Jamhuuriyadda Dimuquraadiga ee Congo todobaadkii tagay – waana tiraddii ugu badneyd ee muddo todobaad ah la soo wariyo sanadkan.

Hey’adda IRC ayaa sheegtay in tirada saxda ah ay intaasi ka badan karto, iyadoo ay ugu wacantahay in dadku aysan soo sheegin kiisas dhacay, sababo la xiriira aminaad darri iyo amaanka.

Hey’addan ayaa intaasi ku dartay in tirada dadka ilaa iyo hadda la xaqiijiyay inuu cudurkaasi soo ritay ay ka badantahay Kun qof, uuna sii socon karo faafista cudurka sanad kale.

Hey’addan ayaa sheegtay inay aheyd todoba bilood ka dib markii uu bilowday dilaacay cudurkan in tiradu ay hoos u dhacdo oo aysan kordhin.

Hey’adda waxey sheegtay in arrintan ay astaan u tahay, inkastoo dadaal xoog leh lagu bixiyay hadana in joogsiga faafista cudurku uusan dhaweyn.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top