Connect with us

somalilandtoday.com

Gantaal Ku Dhacay Magaalada Tel Aviv Oo Ay Ku Dhaawacmeen 7 Qof, Millatariga Israa’iil Oo Ka Hadlay Cidda Ka Dambaysay

focus

Gantaal Ku Dhacay Magaalada Tel Aviv Oo Ay Ku Dhaawacmeen 7 Qof, Millatariga Israa’iil Oo Ka Hadlay Cidda Ka Dambaysay

(SLT-Tel Aviva)-Ciidamada Israa’iil ayaa kooxda Xamas ku eedeeyey inay soo ridday gantaal ku dhacay guri ku yaalla waqooyiga magaalada Tel Aviv, kaasi oo dhaawacay 7 qof, waxayna ku dhowaaqeen inay ciidamo xoojin ah u dirayaan hareeraha Gaza.

Milatariga ayaa qoraal ay soo dhigeen twitter-ka, waxay ku sheegeen in gantaalka laga soo tuuray degaanka Rafah ee Marinka Gaza.

Waxay sheegeen in laba guuto oo ciidamo dheeraad ah ay u dirayaan Gaza, sida uu sheegay afhayeenka ciidamada Isarel, Ronen Manelis.

Arrintan ayaa dib usoo cusbooneysiisay cabsida laga qabo dagaal milatari oo ka dhex qarxa labada dhinac, maalmo un ka hor doorashada Israel ee dhaceysa 9-ka bisha April.

Ra’iisul wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa ku dhowaaqay inuu soo gaabinayo socdaal uu ku joogo Mareykanka, si uu dalkiisa ugu laabto sababo la xiriira xaaladda amni.

Netanyahu ayaa sheegay inuu laaban doono kadib marka uu maanta la kulmo madaxweyne Donald Trump, wuxuuna baajiyey ka qeyb galka shir sanadeedka kooxda Israel taageerta ee AIPAC oo dhaca talaadada.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top