Connect with us

somalilandtoday.com

Agaasimaha Maamulka Iyo Lacagta Ee Wasiirrada Warfaafinta Somaliland Oo Xarriyadiisa Dib U Helay

focus

Agaasimaha Maamulka Iyo Lacagta Ee Wasiirrada Warfaafinta Somaliland Oo Xarriyadiisa Dib U Helay

(SLT-Hargeysa)-Agaasimihii maamulka iyo lacagta ee Wasiir Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland oo xarriyadiisa ka dib lagu waayay caddaymo la xidhiidha eedaymaha lagu xidhay.


Agaasimihii maamulka iyo lacagta ee Wasiir Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Xasan Xaaji Maxamuud Muxumed ayaa goordhayd dib u helay xarriyadiisa ka dib muddo afar maalmood oo uu ku xidhnaa xarunta CID-da ee Magaalada Hargeysa.


Wararku waxa ay sheegayaan in agaasime Xasan Xaaji Maxamuud Muxumed lagu waayay caddaymo la xidhiidha eedaymaha lagu soo xidhay sidaa awgeedna xorriyadiisa dib loogu celiyay.


Dad badan oo baraha bulshada wax ku qora ayaa sharci-darro ku tilmaamay xadhiga lagula kacay Agaasimihii maamulka iyo lacagta ee Wasiir Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Xasan Xaaji Maxamuud Muxumed.

Dhan kale madax-dhaqameed iyo waxgarad reer awdal ayaa cambaareeyay xadhiga dhawaan lagula kacay Agaasimihii maamulka iyo lacagta ee Wasiir Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Xasan Xaaji Maxamuud Muxumed waxaana ku tilmaameen si gaar ah loogu beegsanayo dad gaar ah.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top