Connect with us

somalilandtoday.com

Markab Laga Leeyahay Norway Oo Ku Xumaaday Badda Oo Rakaabkii Saarnaa Laga Soo Badbaadiyey

focus

Markab Laga Leeyahay Norway Oo Ku Xumaaday Badda Oo Rakaabkii Saarnaa Laga Soo Badbaadiyey

(SLT-Norway)-Dowladda Norway ayaa sheegtay ku dhawaad 1,300 oo qof iney diyaaradaha qumaatiga u kaca ka soo badbaadiyeen markab ku xumaaday badda Choppy oo matoorrada ka cilladoobay.

Taliyaha Booliska Romsdai wuxuu sheegay in la soo badaadiyey dhammaan dadki markabkaasi xumaaday saarnaa.

Wakaaladda badbaadada badda ee dalka Norway waxay sheegtay xilliga ay markabku cilladda la soo daristay ay dhacayeen mowjado iyo dabeylo taasina ay keentay in dadki saarnaa si degdeg ah loogu gurmado.

“Howlaha gurmadkana waxa ka qayb qaatay shan diyaaradood oo nooca qumaatiga u kaca iyo maraakiib” ayey tiri wakaaladdu.

Wakaaladdu waxaa kale oo ay sheegtay “ciladda markabka ku timid in loo maleynayo iney sababtay Markabku oo jiiray dhagaxaanta waaweyn ee badda gunteeda ku jira maadaamaa xilligaasi ay mowjada dhacayeen oo ay adkeyd xakameynta markabka”.

Dadki rakaabka ahaa markabkaasi saarnaana ma jirto cid wax ku noqotay howsha gurmadna oo waxaa la soo badbaadiyey iyaga oo badqaba.

Rakaabka Markabka xumaaday ee ‘MV Viking Sky’ oo laga leeyahay Norway rakaabki saarnaa waxay intooda badan u dhasheen dalalka Britain iyo Mareykanka.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top