Connect with us

somalilandtoday.com

Jahawareer Ka Taagan Siyaasadda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Kadib Markii Muqdisho Ka Hiillisay Dal Carbeed

focus

Jahawareer Ka Taagan Siyaasadda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Kadib Markii Muqdisho Ka Hiillisay Dal Carbeed

(SLT-Muqdisho)-Golaha xuquuqul insaanka ee Qaramada midoobey ayaa maalin ka hor isku raacay qaraar cambaareynaya heysashada Israa’iil ee buuraha Golan, iyaga oo ku celiyey in dhulkaasi ay leedahay Suuriya, waxaa uu sidoo kale qaraarkaasi uu Israel faray inay u hoggaansanto qaraarada caalamiga ah ee arrinkaasi ku saabsan. Codeynta waxaa taageeray 26 dal, waxaa ka horyimid 16 dal halka 5 dal oo ay Soomaaliya ku jirto ay ka aamuseen!

Dalalka ogolaaday qaraarka waa: Afghanistan, Angola, Argentina, Bahamas, Bahrain, Bangladesh, Burkina Faso, China, Chile, Cuba, Egypt, Eritrea, India, Iraq, Mexico, Nepal, Nigeria, Pakistan, Peru, Philippines, Qatar, Saudi Arabia, Senegal, South Africa, Tunisia iyo Uruguay.

Dalalka qaraarka ka soo horjeestay waa: Britain, Austria, Australia, Brazil, Bulgaria, Croatia, the Czech Republic, Denmark, Hungary, Iceland, Italy, Japan, Slovakia, Spain, Togo iyo Ukraine

Halka dalalka ka aamusay ay ku jirto Soomaaliya, arrintaas oo lala yaabey maadaama ay tahay dal carab ah, waxaa kale oo iyagana ka aamusay Democratic Republic of the Congo, Cameroon, Fiji iyo Rwanda.

Madaxweynaha Mareykanka Donald John Trump ayaa todobaadkan sheegay in 52 sano kadib la gaaray xilligii dalkiisu aqoonsan lahaa in Golan tagay dhul ay leedahay Israel, arrintaasi oo ay diideen dhammaan dalalka Islaamka, kuwa carabta iyo xataa Ruushka. Qaraarkii loogu hiillin lahaa Suuriya ayaa waxaa si lama filaan ah ugu aamusay dalka Soomaaliya, oo horay aan xiriir ula laheyn Israel, kuna tiri jiray dad gumeysteyaal ah.

Cabdi Barre oo ah siyaasi iyo xildhibaan hore oo golaha shacabka oo arrintaas ka hadlay ayaa yidhi “Waxa dhacay, waa markii ugu hore arrinta ceynkan ah oo sidan mug u leh ay Soomaaliya ka hiiliso waddan Carbeed, oo dhulkii uu lahaa iyo qaddiyadiisii la iibiyo, arriintan oo mgac xumo u keeneysa jiilka dambe, waana silsilado ka mid ah siyaasad xumida Villa Somalia iyo jahawareer ka jirto gaar ahaan siyaasadd arrimaha dibadda”.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top