Connect with us

somalilandtoday.com

Turkiga Oo Cambaareeyay Qaraxyadii Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

focus

Turkiga Oo Cambaareeyay Qaraxyadii Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

(SLT-Ankara)-Dawladda Turkiga ayaa cambaareysay weerarradii Sabtidii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho oo ku dhinteen in ka badan 10 qof.

War ka soo baxay Wasaarrada arrimaha dibadda ayaa lagu sheegay in dowladda Turkiga si adag u cambaareyneyso weerarrada Qarax-yada loo adeegsaday oo lagu bartilmaameedsaday laba dhismo wasaaraddeed iyo dilka wasiir ku-xigeenkii Wasaarradda Shaqada iyo Shaqaalaha xukuumadda Soomaaliya.
‘’Waxaan tacsi u direynaa ehelada dadkii ku dhintay qaraxyadii shalay, kuwa dhaawac ahna waxaa u rajeyneynaa caafimaad deg deg ah’’ ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay wasaarradda arrimaha dibidda Turkiga.

Ma’uuliyada qaraxyadii shalay ka dhacay waxaa sheegtay Ururka Al-shabaab oo dagaal ba’an kula jira dowladda Soomaaliya iyo ciidamada shisheeye ee taageerada millatari siiya.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top