Connect with us

somalilandtoday.com

Cadho Ka Dhalatay Sii Daynta Askari Dilay Wiil Dadka Madaw Ee Maraykanka Ah .

focus

Cadho Ka Dhalatay Sii Daynta Askari Dilay Wiil Dadka Madaw Ee Maraykanka Ah .


(SLT-Washington)Dibadbaxyo ayaa ka dhacay magaalada Pennsylvania ee dalka Mareykanka kaddib markii la sii daayay askari caddaan ah oo si ula kac ah u toogtay wiil madow ah oo dhalinyaro ah.

Michael Rosfeld, oo 30 sano jir ah, ayaa bishii June ee sanadkii hore saddex jeer dhabarka ka toogtay Antwon Rose oo 17 sano jir ahaa, isagoo ka baxsanayay booliiska.
Askarigaas ayaa sanadkii hore lagu xukumay dil, balse garsoorka ayaa Jimcihii ku waayay wax ,denbi ah

Boqollaal dibad baxayaal ah ayaa magaalada Pittsburgh isugu yimid isla markaana xiray waddooyinka.
Aabbaha Rose, Antwon Rose Sr, ayaa khudbad u jeediyay dibad baxayaasha wuxuuna ku baaqay dibadbax aan rabshado wadan.


Dilka Antwon Rose ayaa ka mid ah kiisas badan oo ku saabsan rag madow ah oo ku dhintay gacanta saraakiil booliis caddaan ah oo Mareykanka u dhashay.

Maxaa ku dhacay Antwon Rose?

Saraakiisha ayaa istaajiyay gaariga Rose, iyadoo ay sababtu tahay inuu u ekaa gaari laga shakisan yahay, sida uu booliisku sheegay. Rose ayaa xilligaas ka mid ahaa rakaabka gaariga saarnaa.

Markii darwalka la istaajiyay laguna amray inuu gaariga ka soo dego, Rose iyo qof kale oo rakaab ahaa ayaa cararay. Rose ayaa dhowr jeer laga toogtay dhabarka, gacanta, wajiga iyo caloosha.

Dhaawacyo soo gaaray ayuuna markii dambe u geeriyooday.

Saraakiisha xilligaas ma aysqn wadan kaamirooyin, balse muuqaal uu duubay qof waddada marayay ayaa aad la iskula dhex maray, waxayna taasi horseedday maalmo dibadbaxyo ah oo ka dhacay Pittsburgh.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top