Connect with us

somalilandtoday.com

Wararkii Ugu Dambeeyay Qaraxyo Iyo Weerar Toos Ah Oo Ka Dhacay Muqdisho

focus

Wararkii Ugu Dambeeyay Qaraxyo Iyo Weerar Toos Ah Oo Ka Dhacay Muqdisho

(SLT-Muqdisho)-Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qaraxyo xooggan oo Goor dhowayd lagu weeraray Xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ee k taalla Isgoyska Jubba ee dhinaca degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir.

Qaraxyada ayaa waxaa loo adeegsaday gaadhi laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, waxaana xigay rasaas xooggan oo halkaasi laga maqlay.

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi rag hubeysan ay gudaha u galeen, waxaana goobta ay qaraxyada ka dhaceen ku yaalla Makhaayado iyo Xarumo kale.

Gaadiidka gurmadka deg deg ah ayaa haatan goobta kasoo daabulaya dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadaasi.

Wararka ayaa intaasi waxa ay ku darayaan in uu qaraxyada ay sababeen Khasaaro kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ayaa ku sugan goobta, waxaana la xidhay dhammaan wadooyinka soo gala iyo kuwa kabaxa.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top