(SLT-Hargeysa)-Komishanka doorashooyinka qaran ayaa waxa ay maanta kulan albaabadu u xidhan yahay la yeesheen golaha guurtida Somaliland oo dhawaan warqad yeedhmo ah u diray.
Guddoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa warbaahinta la hadlay markii kulankaasi soo dhammaaday waxaanu si cad u sheegay in komishanka doorashooyinku ay u sheegeen in aan doorashooyinka ku qabsoomaynin wakhtigii loo asteeyay.
Dhan kale guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Cabdiqaadir Iiman oo isaguna warbaahinta la hadlay markii uu soo dhammaaday kulan ay la yeesheen golaha guurtida ayaa waxa uu sheegay in doorashooyinku ay ku qabsoomayaan wakhtigooda.
Goor-dhaw la soco muuqaalka warkan