(SLT-Dubai)-Dhismaha ugu dheer Caalamka ee Burji Khaliifa ee ku yaalla dalka Imaaraadka Carabta ayaa waxaa laga lulay Sawirka Raysal wasaaradda New Zealand, Jakiinda Andren oo laabta ku haysa Haweeney Muslimad oo ku sugnayd Masjidka lagu magacaabo Kilbirmiye oo ku yaalla caasimadda dalka NZ ee Wellington.
Sawirkiisa oo uu qaaday Sawir-qaade lagu magacaabo Hagen Hopkins ayaa waxaa lagu dul qoray Erayga Salaama ee la micno ah Nabad.