Connect with us

somalilandtoday.com

Wiilkii Ugu Yara Ee Ku Dhinta Xasuuqi New Zealand Oo Aabihi Ka Hadlay Siduu U Geeriyooday.

focus

Wiilkii Ugu Yara Ee Ku Dhinta Xasuuqi New Zealand Oo Aabihi Ka Hadlay Siduu U Geeriyooday.


(SLT-New Zealand) Aadan Ibraahim Diiiriye oo ka badbaaday Weerarkii Argagixisadda ee Jimcihii la soo dhafaay ka dhacay Masaajid ku yaalla magaalladda Christchurch ee dalka NZ ayaa sheegay inuu goobjoog u ahaa markii uu wiilkiisa yar ku geeriyoonayey Weerarkaasi.

Aabahaasi ayaa ka sheekeeyey qaabkii uu Ninkii Argagixisadda ahaa rasasata u huwiyey dadkii Muslimiinta ee ku sugnaa Masjidka Al-nuur ee magaalladda Christchurch ee dalka NZ.

Waxa uu tilmaamay inuu Gacan ku dhiiglaha madaxa ka toogtay wiilkisa oo 3 sanno iyo bar jir ahaa, kaasi oo isaga dhinac fadhiyey Masjidka oo xilligaasi socotay Khudbadii Salaadda Jimcaha.

Aadan Ibraahim Diiiriye waxa u uaabe u ahaa wiilka la dilay oo lagu magacabi jirey Mucaad Aadan Ibraahim, kaasi oo noqday qofkii ugu da’da yaraa 50kii qof ee Muslimiinta ee lagu dilay Toogashadaasi.

Aabaha waxa uu tilmaamay inuu wiilkiisa dhulka ku dhacay, markii la toogtay, wuxuuna xusay inuu rumeysan yahay inay Qadar Alle ku dhacday arrintaasi.

Waxa kale oo uu tilmamaay inuu isagu ka badbadaay Toogashadaasi , kadib, markii uu iska qariyey Gacan-ku-dhiiglihii dadka toogtay bishan March 15-dii.

Gacan ku dhiiglihii falkaasi geystay oo, lagu magacaabo Brenton Tarrant una dhashay dalka Australia ayaa la Xabsiga sida xooggan loo ilaaliyo ee ku yaalla magaalladda Auckland ee dalka New Zealand

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top