Connect with us

somalilandtoday.com

Kuuriyada Waqooyi Oo Xafiis Muhiim Ah Ka Xidhay Kuuriyada Koonfureed

focus

Kuuriyada Waqooyi Oo Xafiis Muhiim Ah Ka Xidhay Kuuriyada Koonfureed

(SLT-Kuuriyada) Dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa xidhay xafiiskii xidhiidhka dublamaasiyadeed ee sannad ka hor ay ka furatay dalka Kuuriyada Koonfureed xilli xidhiidhka labada dal ay soo hagaagayeen.

Xukuumadda Seoul ayaa sheegtay in lala soo xidhiidhay, loona sheegay in shaqaalaha xafiiskan ay ugu dambeyn dalka ka bixi doonaan maalinta jimcaha.

Kuuriyada Koonfureed ayaa arrinkaas ka walaacsan, waxayna ku baaqday in ay shaqaalaha soo laabtaan, xafiiskana uu sii furnaado.

Wax kulan ah ma uusan dhexmarin labada Kuuriya tan iyo kullankii bishii lasoo dhaafay ee dhexmaray Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un iyo madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, kaas oo natiijo la’aan ku dhamaaday.

Xafiiskan waxa uu ahaa kii ugu horeeyay oo xiriir toos ah oo joogto ah uu ku dhexmaro labada Kuuriya oo dagaalamay sannado badan ka hor.

madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed Moon Jae-in uu rajaynayay in xidhiidhka kala dhaxeeya Waqooyiga uu gaaray heer uusan saamayn ku yeelan karin xitaa haddii Waqooyiga ay isku dhacaan Maraykanka.

Tan iyo intii uu burburay shirkii bishii hore ee Vietnam ka dhacay, Pyongyang ayaa ku hanjabtay in ay dib u bilaabi doonto tijaabada gantaalada iyo niyuukleerka.

Bishii hore wasiir ku xigeenka Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in Maraykanka ay iska lumiyeen fursad dahabi ah.

Balse Maraykanka waxa ay ku adkaysanayaan in dublamaasiyadda ay weli shaqaynayso.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top