(SLT-Abu Dhabi)-Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa gelinkii dambe ee shalay gaadhay magaalada Abu Dhabi ee Caasimadda Imaaraadka Carabta, maalin kaddib markii uu booqasho rasmi ah ku tagay dalka Qatar.
Abiy Ahmed ayaa la kulmay Mohamed Bin Zayed oo ah Dhaxal Sugaha Imaaradda Abu Dhabi ahna Taliye kuxigeenka Ciidamada Qalabka sida ee Imaaraadka
Intii uu socday wada hadalada labada hoggaamiye ayaa waxay dib u eegeen xiriirka saaxibtinimo iyo fursadaha dib loogu eegayo iskaashiga labada dal ee dhinacyada kala duwan, gaar ahaan horumarka, dhaqaalaha iyo maalgashiga.
Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale iswaydaarsaday aragtiyada ku saabsan arrimaha gobolka Geeska Afrika, walaaca dhowr arrimood iyo danaha labada dal ay wadaagaan.
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa hormuud ka ah is bedelada ka socda Gobolka Geeska Afrika, isagoo loo arko shaqsi isku heyn kara awoodaha iyo loolanka ka jira dalalka Khaliijka.
Bishii July ee sanadkii hore ayay aheyd markii Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Eritrea ay booqasho wadajir ku tageen magaalada Abu Dhabi, waxaana si wadajir loo guddoonsiiyay biladda ugu sareysa dalkaas, kaddib markii labada dal ay heshiis ka gaareen colaado u dhaxeeyay muddo 20 sano.