(SLT-Hargeysa)-Warbaahinta dawladaha Itoobiya iyo Ereteriya, ayaa warbixino ka qoray socdaalka uu Wasiirka arrimaha dibadda Ereteriya iyo la taliyaha madaxweynaha Cismaan Saalax iyo Yemane Gebreab ay ku joogaan magaalada Hargeysa.
Wakaaladaha wararka ee ay maamulaan dawladaha Itoobiya iyo Ereteriya, ayaa warbixino kooban ka diyaariyay socdaalkan uu Wasiirul khaarajiga Ereteriya ku joogo caasimadda Somaliland ee Hargeysa.
Shabait
Wakaaladda wararka Ereteriya ee Shabait oo ay dawladda Ereteriya maamusho, ayaa qortay warbixin ay ciwaan uga dhigtay “Wefti sare oo Ereteriyaan ah oo wada hadalo la yeeshay madaxda kala duwan ee Somaliland”
Shabait, waxay tidhi “Wefti sare oo Ereteriyaan ah oo ka kooban Cismaan Saalax, Wasiirka arrimaha dibadda iyo la taliyaha madaxtooyada Yeman Gebreab ayaa kulankii labaad saaka [shalay[ oo saacado qaatay la yeeshay Madaxweynaha Muuse Biixi Cabdi oo lagaga wada hadlay xoojinta arrimihii lagu soo bandhigay kulankii 1aad.”
Wakaaladda wararka ee Ereteriya waxay intaas raacisay, “Weftigu waxa kale oo ay la kulmeen Wasiirada khaarajiga, arrimaah gudaha, maaliyadda iyo weliba xubnaha guurtida iyo wakiilada. Madaxweyne Muuse Biixi ayaa weftiga u sameeyay qado sharaf. Weftiga Ereteriya ayaa 18 March Hargeysa, Somaliland ku tagay socdaal shaqo oo rasmi ah.”
FANA
Warbaahinta ay dawladda Itoobiya maamusho ee FANA, ayaa iyaduna qortay shalay warbixin ay ciwaan uga dhigtay “Wefti Ereteriyaan ah oo booqday Somaliland.”