Dalal badan ayaa ku eedeeyay musuqmaasuq iyo tacaddiyo baahsan oo xuquuqda aadanaha ah.
Hase yeeshee, taageerayaashiisa ayaa abaal uga haya xasiloonida iyo nabadda uu dalkaasi ku soo dabbaalay, iyo horumarka dhaqaale ee uu dalkiisa gaarsiyay.
Tan iyo intii uu dalkaasi xornimada qaatay burburkii midowgii Soviet, sanadkii 1991-dii, maalgashi badan oo dhanka saliidda ah ayaa sababay inuu dalkaasi koboc badan sameeyo.
Waxaa Kazakhstan ku nool qowmiyado kala duwan. Qowmiyadda Kazakhs ayaa ugu badan qowmiyadaha dega dalkaas, waxaana soo raaca dad Ruushka ka soo jeeda, iyo qowmiyado kale oo laga tiro badan yahay. Diinta ay dadka ugu badan haystaanna waa Islaamka.