Connect with us

somalilandtoday.com

Cabsi Xoog Leh Oo Soo Waajahday Dadka Ku Cibaadeysta Masaajidka Soomaalida Ee Magaalada Minneapolis

focus

Cabsi Xoog Leh Oo Soo Waajahday Dadka Ku Cibaadeysta Masaajidka Soomaalida Ee Magaalada Minneapolis

(SLT-Minnesota)-Maalintii Jimcada ahayd, oo nin hubeysan uu toogasho ay 50 ruux ku dhinteen ka geystay masaajid ku yaalla dalka New Zealand, ayaa qoraal ka turjimaya isir nacayb lagu arkay darbiyada masjid kale oo ku yaalla magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, dalka Mareykanka.

Dhacdadan ayaa si weyn u argagax galisay maamulka iyo bulshada ku cibaadeysata masjidka Imaam Shaafici, oo ah masaajidkii ugu horreeyay ee ay jaaliyadda Soomaalida ka fureen gobolka Minnesota.

Qoraalkan oo ka koobnaa xarfo iyo tirooyin aan la fahmi karin micnahooda ayaa lagu sameeyay baaritaan, si loo ogaado ujeeddada laga leeyahay.

Maxaa lagu fasiray qoraalka?

Sheekh Cabdiqani Maxamed Cali Qardhaawi, oo ah imaamka masjidka darbigiisa qoraalka argagaxa dhaliyay lagu sameeyay ayaa BBC-da uga warramay sida ay ku ogaadeen cidda qoraalkaas sameysay.

“Waan isku daynay inaan helno qofkii waxan ku qoray darbiga masaajidka, Kaamirada ku xiran masjidka ayaa na tustay qofka meesha wax ku qoray oo ahaa nin. Wuxuu soo istaagay meesha saacaddu markii ay ahayd 1:03 am, oo saqda dhexe ka dib ah, xilli uu baraf dhacayay, wuxuu wax qorayay ilaa 1:45 am, afartan iyo dhowr daqiiqo ayuu wax ku qorayay”, ayuu yidhi Imaamka.

Qoraalkan ayaa micno kala duwan lagu fasiray
Hase yeeshee, fasiraadda qoraalkan ayuu Imaamku sheegay in siyaabo kala duwan loogu micneeyay.
“Runtii qolaba si ayey ku micneysay, haweeney wariye ah oo isoo wacday waxay ii sheegtay in qoraalkani uu ka turjumayo waxyaabo isir nacayb iyo islaam nacayb ah, dad Soomaali ahna wey jiraan oo nagu yidhi waan garaneynaa luqaddan. Tusaale ahaan dhinaca midigta ah ee darbiga masaajidka waxaa ku qoran “D2f”, waxaana lagu macneeyay in xarfahaas laga soo gaabiyay oraah luuqadda ingiriiska ah oo u dhiganta Daacish to fishin(Daacish oo lasoo afjarayo), dhinaca kalena waxaa ku qoran “4 Sher”, oo lagu micneeyay 48 hours(48 saacadood), marka micnaha la isku qabtana wuxuu noqonayaa 48 saacadood ku dhamee dadkaas iyaga ah”, ayuu yidhi Sheekh Qardhaawi.

Wali ma jirto faahfaahin kasoo baxday booliska Mareykanka ee arrintan baaraya, hase ahaatee dhacdadan ayaa cabsi badan galisay dadka Soomaalida ah ee ku cibaadeysta masaajidkaas.

Masjidka Imaam Shaafici oo la furay bartamihii 1990-meeyadii ayaa ku dhex yaalla xaafadda ay Soomaalida aad ugu badan tahay ee Cedar-Riverside, oo ka tirsan magaalada Minneapolis.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top