Connect with us

somalilandtoday.com

War Deg Deg Ah: Nin Weerar Ku Qaaday Iskuul Ku Yaala Dalka Norway Caasimadda Oslo.

focus

War Deg Deg Ah: Nin Weerar Ku Qaaday Iskuul Ku Yaala Dalka Norway Caasimadda Oslo.


(SLT-Oslo) Nin Ku Hubeysnaa Tooreey ayaa ku weeraray Arday Iyo Macalimiintooda Iskuul ku yaalla magaalada Oslo Ee Caasimada Dalka Norwey.

Weerarkaan oo ah mid goordhaweyd dhacay faah faahin badan lagama hayo in uu yahay mid argagaxiso.

Inta la xaqiijiyey waxaa ku dhaawacmay Afar Qof oo Midkood Macalin yahay iyadoo Seddexda kale Shaqaalaha iskuulka ahaayeen.

Wakaalada Wararka Reuters ayaa daabacday xigasho ah Booliska inay baaritaano durba bilaabeen,taas oo cid sheegatay aysan jirin.

Dadka dhaawaca ah ayaa loola cararay Goobaha Caafimaadka,sida ay tebisey Wakaalada Wararka Norweey ufaafisa Ee NTB loo soo gaabiyo.

Shalay ayaa sidaan oo kale weerar lagu qaaday Goob lagu sugo Basaska korontada ku shaqeeya,Magaalada Utrecht Ee Dalka Holland Dadna ku dhinteen kuwana ku dhaawacmeen

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top