Connect with us

somalilandtoday.com

Raysal Wasaaraha Australia Oo Ku Baaqay In Wax Laga Qabto Baraha Bulshada

focus

Raysal Wasaaraha Australia Oo Ku Baaqay In Wax Laga Qabto Baraha Bulshada

(SLT-Australia)-Ra’iisul wasaaraha Australia Scott Morrison ayaa ku baaqay in wax laga qabto baraha bulshadu ku xiriirto, arrintan ayaana daba socota weerarkii lagu qaaday labada masaajid ee ku yaalla magaalada Christchurch ee dalka New Zealand.

Facebook iyo shirado kale ayaa lagu dhaliilay in aysan hor istaagin in si toos ah looga baahiyo weerarka.

Mirrison oo dhanbaal u diray Ra’iisulwasaaraha Japan Shinzo Abe oo hoggaamin doona dalalka ugu dhaqaalaha badan adduunka ee G20 ayaa codsaday in waxyaabaha lagu gorfayn doono shirka G20 ee soo socda in lagu daro barasha bulshada.

Weerarro Jimcihii lagu qaaday labo masaajid oo ku yaalla magaalada Christchurchee dalka New Zealand ayaa lagu dilay 50 ruux.

Qofkii weerarkaas gaystay ayaa si toos ah uga baahiyay Facebook sida uu dadka u laayay, wuxuuna ku sii jiray 17 daqiiqo.

Inkastoo muuqaalkii u horreeyay laga saaray, hadda dad kale ayaa duubtay oo si baaxad leh ugu sii faafiyay Youtube, Twitter iyo baro kale.

War qoraal ah oo Isniintii ay soo saartay shirkadda Facebook ayay ku sheegtay in muuqaalkii weerarka masaajidka la daawaday in yar 200 jeer intii uu tooska ahaa, markii dambene ay daawadeen qiyaas ahaantii 4,000 oo ruux.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top