Connect with us

somalilandtoday.com

Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyey Dalka Qatar +SAWIRRO

focus

Raysal Wasaaraha Itoobiya Oo Si Weyn Loogu Soo Dhaweeyey Dalka Qatar +SAWIRRO

(SLT-Doha)-Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo wafdi ballaadhan uu hoggaaminayay ayaa maanta gaadhay magaalada Doxa ee dalka Qatar, kaddib markii uu martiqaad ka helay Amiirka Qatar.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Doxa ku soo dhaweeyay Jassim bin Saif Al Sulaiti oo ah Wasiirka Isgaarsiinta Qatar.

Image may contain: 2 people

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo Amiirka Qatar Sheekh Tamiim Bin Hamad al-Thani ayaa lagu wadaa in wada hadalo ku yeeshaan qasriga Madaxtooyada.

Image may contain: 7 people, people standing

Wada hadalada labada dhinac ayaa diiradda lagu saari doonaa xidhiidhka  labada dal, iskaashiga iyo xaaladaha ka jira Gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan is bedelka uu hormuudka ka yahay Abiy Ahmed.

Image may contain: 2 people, people standing

Tartanka Juquraafiga Siyaasadda ee Gobolka Geeska Afrika ayaa u muuqda mid sii xoogeysanaya, marka loo eego loolanka dalalka Khaliijka ka dhaxeeya, sida Sacuudiga, Imaaraadka oo dhinac ah iyo Qatar.

Image may contain: 2 people, people standing and suit

Qatar ayaa xilligan galaan-gal xooggan ku leh arrimaha Gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan dowladda Soomaaliya oo ay xulufo la tahay, isla markaana siiso taageero dhaqaale.

Image may contain: 3 people, people smiling, people standing

Safarka Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ku tagay Qatar ayaa ku soo aadaya, iyadoo 28-kii bishii February uu booqasho ku tagay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Image may contain: 2 people, people sitting
Image may contain: one or more people, people sitting and indoor
Image may contain: 6 people, people standing
Image may contain: 3 people, people standing and outdoor

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top