(SLT-New Zealand)Ninka lagu eedeeyay inuu fuliyay weerarkii toogashada ahaa ee ka dhacay masjidka magaalada Christchurch ee dalka New Zealand ayaa markii maxkamadda lasoo taagay abuuray muran ku saabsan dhaqanka internet-ka iyo fikrad xagjirnimo ah.
Brenton Tarrant, oo 28 jir ah ayaa lagu eedeeyay inuu Jimcadii weerarro ka fuliyay 2 masaajid oo ku yaalla magaalada Christchurch, halkaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 50 ruux, oo ay ku jireen carruur.
Waxaa maalintii xigtay ee Sabtida ahayd la hor geeyay maxkamad, isagoo lagu soo oogay dacwad ku saabsan dil.
Markii ugu horreysay ee uu kasoo muuqday maxkamadda, Tarrant ayaa la arkayay isagoo gacantiisa ka muujinaya astaanta “SAX”, taasoo ah marka uu qofka isa saaro suulkiisa iyo farta xigta isagoo faraha kalena fidinaya.
Astaantan ayaa markii siyaabo kala duwan loo eegay lagu qeexay calaamad ay isticmaalaan dadka caddaanka ah ee jinsiyadaha kale neceb, balse waxaa kale oo suurta gal ah inuu dadka dareenkooda kusoo jiidanayay.