Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan La Qaatay Wefti Ka Socda Hay’adda Caalamiga Ah Ee Laanqayrta Cas Ee (ICRC)

focus

Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan La Qaatay Wefti Ka Socda Hay’adda Caalamiga Ah Ee Laanqayrta Cas Ee (ICRC)

Hargeysa (Somalilandtoday)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu xafiiskiisa ku qaabiley wefti ka socda Hay’adda Caalamiga ah Ee laanqayrta Cas ee (ICRC), oo ay hoggaaminayso agaasimaha Africa u qaabilsan ICRC, Patricia Danzi.

Kulankaasi waxa lagaga wada hadlay arrimo ay ka mid ahaayeen xoojinta xidhiidhka wada shaqayneed ee hay’adda caalamiga ah ee ICRC iyo Jamhuuriyadda Somaliland.


Waxa kale oo kulankaasi lagaga wada hadlay dardar-gelinta xafiiska ICRC ay dhawaan ka furatay gudaha Somaliland iyo sdii laysaga kaashan lahaa deegyada Aas-aasiga & gurmadka deg-dega ah, iyadoo Wasaaraddaha Horumarinta Caafimaadka iyo qorshaynta iyo horumarinta qaranka Somaliland iyo Hay’addu si gaara uga wada shaqayn doona arrimahaasi.

Wa-bilaahi Tawfiiq

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top