Connect with us

somalilandtoday.com

Toogasho Ka Dhacday Dalka Netherlands Iyo Khasaaraha Ka Dhashay

focus

Toogasho Ka Dhacday Dalka Netherlands Iyo Khasaaraha Ka Dhashay

(SLT-Utrecht)-Booliiska magaalada Utrecht ee dalka Netherlands ayaa sheegay in hal qof lagu dilay, dhowr qof oo kalena ay ku dhaawacmeen toogasho ka dhacday meel laga raaco tareenada.

Waxaa la xiray dhammaan jidadka soo gala goobta uu weerarka ka dhacay oo lagu magacaabo Fagaaraha 24-ka October.

Afhayeen u hadlay booliiska ayaa sheegay in weerarka uu lahaan karo ujeedo kasta, oo ay ku jirto argagixisanimo.

Dowladda Netherlands ayaa meeshii ugu sarreeyey gaysay heerka halista ee magaalada Utrecht.

Waxaa si aad ah loo adkeeyey ammaanka iskuullada, masaajiddada, iyo goobaha laga raaco gaadiidka dadweynaha.

Raysal wasaaraha Netherlands, Mark Rutte ayaa sheegay inuu aad uga walaacsan yahay xalaadda.

Ninka toogashada fuliyey ayaan illaa iyo hadda gacanta lagu dhigin.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

Advertisement

Feaured

To Top