Connect with us

somalilandtoday.com

Dadka Itoobiya U Dhashay Ee Ku Sugnaa Sacuudiga Oo Ku Laabtay Dalkoodi

advertise

Dadka Itoobiya U Dhashay Ee Ku Sugnaa Sacuudiga Oo Ku Laabtay Dalkoodi

(SLT-Addis Ababa) 450 qof oo u dhashay dalka Itoobiya oo si aan sharci ahayn ku joogay dalka Sacuudiga ayaa rabitaankooda dib ugu soo noqday dalkooda.

Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa sheegtay dadkan soo noqday iney jirin cid qasabtay balse ay iskood u dalbadeen in dib looga celiyo dalkooda.

Wasaaraddu waxaa kale oo ay sheegtay iyada oo kaashaneysa qunsuliyadda Itoobiya ee sacuudiga iyo hay’ado kale in shanti bilood ee la soo dhaafay ay dalkooda dib ugu soo noqdeen dad ka badan 1,800 oo qof oo boqortooyada Sacuudiga sharci la’aan ku joogay.

Dadkan dalkooda dib ugu soo laabtay waxaa garoonka caalamiga ee Bole ku soo dhaweeyey xubno sare oo ka socday wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in advertise

To Top