Connect with us

somalilandtoday.com

Waddooyinka Magaalada Muqdisho Oo Maalintii Labaad Xidhan

focus

Waddooyinka Magaalada Muqdisho Oo Maalintii Labaad Xidhan

(SLT-Muqdisho)-Maalintii labaad waxaa xidhan waddooyinka magaalada Muqdisho, waxaana saaka dadku mar kale ay ku waabariisteen Ciidammo taagan jidadka muhiimka ah oo celinaya gaadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

Weli waxaa magaalada Muqdisho ku sugan wafdigii uu hoggaaminayay Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle kaas oo kulamo la qaadanayay madaxda ugu sareysa dalka sida Madaxweynaha iyo mas’uuliyiin kale.

Dhinaca kalena Madaxweynaha dalka Jabuuti ayaa Maanta waxa uu ka qeyb galayaa kulan deg deg ah oo ay yeelanayaan Xildhibaanada labada Golle ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isla markaana waxa uu ka jeedin doonaa Khudbad.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top