Connect with us

somalilandtoday.com

Maleeshiyo Beeleed Hubeysan Oo Isku Hor-Fadhiya Gudaha Magaalada Laascaanood Iyo Dagaal Laga Cabsi Qabo In Uu Ka Dhex Qarxo

focus

Maleeshiyo Beeleed Hubeysan Oo Isku Hor-Fadhiya Gudaha Magaalada Laascaanood Iyo Dagaal Laga Cabsi Qabo In Uu Ka Dhex Qarxo

(SLT-Laascaanood)-Wararka ka imaanayaa magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in malayshiyaad hubaysan ay isku horfadhiyaan nawaaxiga garoonka diyaaradaha oo ku yaalla dhanka waqooyi ee magaalada.

Malayshiyaadkan hubaysan oo hab-beeleed u abaabulan ayaaa la sheegaya in ay isku’ haystaan dhul bogcado bannaan ah oo dhinac walba sheeganayo lahaanshihiisa halkaas oo ay maalmahan isu’ hub uruursanayeen.

Qaar kamid ah bulshada ku dhaqan Laascaanood ayaa soo sheegaya in laga cabsi qabo dagaal dhex mara labada malayshiya-beeleed isku horfadhiya aga’gaarka garoonka diyaaradaha kadib markii ay fashilmeen dadaallo lagu doonayey in lagu kala qaado.

Waxay sheegeen in haddii dagaal ka qarxo halkaas uu khatar gelin karo guud ahaan amniga garoonka iyo diyaaradaha ku soo degaya.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top