Haddaba madaxweyne Cagjar oo ka mid ahaa madaxdi bandhigga lacag uruurinta ka soo qayb gashay ayaa ku dhawaaqay “isaga oo matalayo shacabka iyo maamulka deegaanka Soomaalida ay walaalahooda Amxaarada ee barakacay ay ku deeqayaan 10 milyan oo Birr”.
Su’aasha la isweydiin kara ee ka dhalatay deeqdaasi lacageed uu madaxweynaha bixiyey ayaa waxay tahay barkacayaasha Soomaalida ee ku sugan Qoloji, Siti iyo Tulli guuleed oo muddo ku sugan xerooyin barakacayaal oo ku meel gaar ah yaa u maqan?
Inkasta oo in dad dhibban in la caawiyo ay wax dhib ah ku jrin oo ay bani aadaminimada ka mid tahay haddana waxaa ka mudnaan lahayd iney caawimaadka aad ka billaawdo dadka kula dhashay ee haddana dhibban oo ilaahey mooyee cid umaqan jirin.
Baraha bulshadana waxay noqotay mid maanta si weyn looga hadal hayo tillaabbada madaxweynaha uu qaaday iyada oo tala bixinta ugu badan ay ahayd Oromo dadkeeda barakacay guriya ayey u dhistay weyna dajisay, Amxaarana hadda ay ku guda jirtaa Soomaalida yaa u maqan haddii ay xukumaddeeda iyo dowladda dhexe midna ka warhayn.