Connect with us

somalilandtoday.com

Madaxweynaha Jabuuti Oo Maanta Khudbad U Jeedinaya Labada Aqal Ee Baarlamaanka Soomaaliya

focus

Madaxweynaha Jabuuti Oo Maanta Khudbad U Jeedinaya Labada Aqal Ee Baarlamaanka Soomaaliya

(SLT-Muqdisho)-Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa lagu wadaa in goordhow uu qudbad u jeediyo labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo kulan degdeg ah ku leh maanta dugsiga Kaahiye.

Xildhibaanada Golaha Shacabka iyo Senatorada Aqalka Sare ayaa lagu wargeliyay xalay inay soo xaadiraan kulanka deg-degga ah ee Baarlamaanka Soomaaliya oo uu hortagayo Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Wadooyinka ku dhow Dugsiga tababarka General Kaahiye ayaa la xidhey iyadoo sidoo kale lagu wado in Madaxweynaha Jabuuti uu xadhiga ka jaro dhismaha safaarada dowladda Jabuuti ay ku leedahay magaalada Muqdisho.
.
Xildhibaanada ay haatan fasax ku jiraan oo uu xidhan yahay kal-fadhiga 4aad ee Golaha Shacabka iyo kan Aqalka Sare.

Continue Reading
Advertisement
You may also like...

More in focus

To Top